Select Language

Goobta baabuurka ku sugan yahay iyo sicirka loo haysto waxaa la helaa marka nambarka shattiga la geliyo hoos:

Khidmadaha Xayiraadda iyo Keydinta Baabuurta
$110.50 xayiraadda iyo $13.00 keydinta 12 saac ama qeyb kasta. Kuma jirto khidmadda jiididda iyo gaariga lagu jiido haddii loo baahdo.

Macluumaadka Loo Baahan Yahay Si Loo Sii Daayo Baabuurka

Baabuurka waxaa lagu wareejin karaa qofka ku qoran ama qaraabo ay wadaagaan isla magacaas dambe. Bixinta khidmadaha waxaa la socda in aad u baahan doontid waxa soo socda si loo sii daayo baabuurkaada:
Caddeynta milkiyadda
Diiwaan gelinta iminka jirta, lahaashada, ama heshiiska kirada
Nambarka Shattiga Taargada (License Plate Number) ama Nambarka Aqoonsiga Baabuurka (Vehicle Identification Number)
Aqoonsiga Sawirka oo Sax ah (Valid Picture Identification), sida Shattiga Wadaha (Driver’s License) ama Kaarka Aqoonsiga (Identification Card)

Waxaa loo baahan yahay wade shatti haysta si baabuurka looga wado goobta. Haddii kale, waxaad qorsheysan kartaa in baabuurka laga jiido goobta kaddib marka aad bixisid khidmadda.

Khidmadaha xayiraadda waxaa dheer tigidhada meesha baabuurta la dhigto marka baabuurka la sii daayo. Kuwaasi waa ka soocan yahiin, waxaana la siiyaa Magaalada Seattle.

Ruqsadda la Siiyo Qof Kale si loo Sii Daayo Baabuurka

Qofka aan ahayn milkiilaha ku qoran diiwaanka wuxuu soo qaadi karaa baabuurka, ama wuxuu hanti kala soo bixi karaa baabuurka, haddii uu haaysto warqad ka socoto milkiilaha ku qoran sida:

  • Magaca qofka la siiyay ruqsadda
  • Koobiga sawir la akhrin karo Kaarka Aqoonsiga milkiilaha ku qoran ama Shattiga Wadaha (Driver's License).
  • Nambarka Shattiga Taargada (License Plate Number) ama Nambarka Aqoonsiga Baabuurka (Vehicle Identification Number)
  • Nooca iyo sannadka baabuurka
Waxaad ruqsadda u diri kartaa faks ahaan, adiga oo ku hagaajiya meesha baaburta la dhigto Aurora Impound, telefoonka 206-363-6290.

Qaababka Bixinta Lacagta ee la Ogol Yahay

Lacagta Caddaanka (Cash)
Kaarka Deynta (Debit Card)
Visa
MasterCard
American Express
Discover

Baabuurta la Kireysto
Si loo sii daayo baabur la soo kireystay, qofka waa in uu keeno heshiiska kirada iyo kaarka Aqoonsiga la socdo ama Shattiga Wadaha (Driver's License) ku qoran heshiiska.

Baabuurta La Xayiray

Haddii baabuurka ku lug lahaa dambi ama la xayiray si loo baaro, waa in ruqsadda sii deynta laga qaato Waaxda Boliiska Seattle (Seattle Police Department).

Goobaha Baabuurta Lagu Keydiyo:

3919 Pasadena Place NE Seattle, WA 98103
12220 Aurora Ave N Seattle, WA 98133
10140 W Marginal Place Tukwila, WA 98104

Get in touch